Home > Wararka Dibadda > Amiirka Qatar oo booqasho lama filaan ah ku tagay Iiraan

Amiirka Qatar oo booqasho lama filaan ah ku tagay Iiraan

Wararka Dibadda Wararka Maanta

 

Booqashada maanta oo Axad ah ayaa timid xilli xiisado kacsanaan ah ay ka taagan Khaliijka iyo Bariga Dhexe, kadib dilkii Mareykan uu ku dilay Baqdaad Taliyihii ugu sareeyay ee Ciidamada Kacaanka Iran Qaasim Suleymani iyo gantaallo aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

Wakaaladda wararka ee Qatar QNA waxay sheegtay in wada hadalladu diiradda saari doonaan “xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo dariiqooyinka kor loogu qaadayo loona xoojinayo, iyo sidoo kale horumarkii ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimaha gobolka iyo arrimaha caalamiga ee danaha labada dhinac”.

Qatar, oo aad ugu dhow Mareykanka laakiin sidoo kale xiriir adag la leh Iran, oo ay la wadaagto gaaska ugu badan adduunka, ayaa ku baaqday in si nabad ah loo xalliyo xiisadaha gobolka.

Booqashada Amiirka Qatar ayaa noqoneysa tii u horeeyay ee Hoggaamiye dal uu ku tago Iran, tan iyo markii la dilay Qaasim Suleymaani 3-dii bishii Janaayo.

Sheikh Tamim waxaa weheliya wafdi rasmi ah safarkiisii ​​ugu horreeyay ee uu ku tago Iran tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2013.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!