Maxaa kasoo baxay shirka Madasha Hogaanka Qaran?

Wararka Maanta

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa muujinayo inay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka go’aan ka gaareen in Doorashadda

1.Doorashada Guddoonka Barlamaanka la qaban doono bisha January 5-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka,
2. Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono isla bisha January 22-da ee sannadkan.

Madasha Madasha Wada-tashiga Qaranka waxay go’aan ka soo saareen Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta ku loolami doono Xilka Madaxweynaha JFS, waxayna Shuruudahaasi kala yihiin:-
1. Inuu Musharax Madaxweyne kasta bixiyo Kharajka Diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollarka Maraykanka.
2. Inuu Musharax kasta taageero ka haysto ugu yaraan 20-Xildhibaan oo xaq u leh inay codeeyaan.

Sidoo kale, Qoraalka qabyadda ee hordhaca u ah War-murtiyeedka ay sida wadajirka u saari doonaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa kaloo lagu go’aamiyey:

1. In la isku raacay in la laalo 11-kii xubnood ee ay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafka Doorashadda horey uga saareen Liiska Xildhibaanadda ku soo baxay Doorashaddii Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Xubnaha Aqalka Sare ee Muranku ka jiray;

Madaxda Somalida, ayaa sidoo kale muddo ka doodayay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya gobollada Waqooyi kuwaasoo aan la caddayn astaanta ay yeelanayaan.

Xubnahan oo ka imaanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa Puntland, waxay ka heshay hal kursi oo la siiyay beesha Warsangali, sidaasina waxay qoondo ahaan u helaysaa 12 Mudane.

Dhinaca kale, Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa u muuqda in lagu soo koobay ilaa 9-Musharax oo keliya, marka la is-barbar dhigo tirada Musharaxiinta iyo 275-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.