Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Cumar oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka mid noqotay golaha wakiillada Mareykanka.
Ilhaan Cumar ayaa ku guuleystay bishii la soo dhaafay doorashada golaha wakiilada Mareykanka iyadoo ka soo gashay Gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin Soomaalida.
Ilhaan iyo seygeeda ayaa gaaray magaalada Muqdisho, waxaana ay xarunta Madaxtooyada ku soo booqatay Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Xasan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Ilhaan Cumar booqashada ay ku timid dalka, sidoo kale waxaa uu ugu hambalyeeyay guulihii ay ka soo hoysay doorashooyinkii ka dhacday Mareykanka oo ay ugu dambeyn ku guuleysatay kursigii ay u tartameysay.
Dhanka kale Senator Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay la kulanka madaxweyne Xasan Sheekhiyo sida loo soo dhoweeyey, waxa ay uga mahadceliyey dedaalka iyo guusha dowladda dalka gaarsiiyey ee ah in doorashooyin ay ka qabsoommaan, si gaar ahna haweenku loo siiyey qoondo 30%, taasina ay Soomaaliya uga horreyso dalal uu Mareykanku ka mid yahay.