Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliyaa ayaa saqdii dhexe xalay abaarihii 3-dii habeenimo soo afjaray howl galkii ka socda Maqaayada Banaadir Beach ee ku taal Xeebta Liido, halkaasoo Al-Shabaab weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday.
Weerarka ayaa bilowday abaarihii 8-dii fiidnimo oo qadar dhiman, waxaana ciidamada ammmaanka ay muddo saacado ah la dagaalamayeen dabley hubeysan oo gudaha u gashay maqaayada.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay gudaha u galeen maqaayada, ayna dileen dableydii hubeysneyd.
Taliyaha ayaa sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen weerarkii xalay, waxaana ka mid ahaa 2 ka mid ah ciidamada ammaanka iyo 2 nin oo dabley ah.
Ciidamada ammaanka ayaa soo bad baadiyay illaa labaatameeyo ruux oo maqaayada ku go’doomay markii uu weerarka bilowday.
Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah dableydii fulisay weerarka, isagoo dhaawac qaba, waxaana ninkan ahaa kii waday gaariga waxyaabaha qarxa saarnaa, kaasoo aanay u suura gelin sidii uu rabay.
Dadka la aqoonsaday ee weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ah Dr. Ibraahim Cali Xasan oo ka yimid dalka Jarmalka, waxaana dhaqtarkan uu dhowaan ka furay Muqdisho xarun caafimaad oo lagu magacaabo Somali/Jarmal Hospital.
Maqaayada la weeraray ayaa ah maqaaxi caan ah oo ah goob dhalinyarada ay ku caweeyaan, waxaana soo gaaray bur bur xooggan, iyadoo la damiyay dab ka dhashay rasaastii xalay ku socotay dhismaha maqaayada.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka, isla markaana dagaalyahanadooda la wareegeen gudaha maqaayada.
wixii ku soo kordha kala soco www.ceelhuur.net
Comments are closed.