Home » Arimaha Bulshada » SAADAAL-WACAN 2 …. W/Q: C/fitaax Cali Cabdalla Date :November 18, 2017 Author :admin 4 views

SAADAAL-WACAN 2 …. W/Q: C/fitaax Cali Cabdalla

SAADAAL-WACAN 2

SAADAAL-WACAN

Saadaal wacan qaybtii labaad

ARAR:

Qormadaan waxaan oga hadlaynaa dhacdooyin Dalka ka dhacay oo aan u aragno in ay katurjumayaan dib-u-soo kabasho, waxwadda qabsiga, iyo iskaashiga umadda Soomaaliyeed. Bulsho ku wadda nool Dal/deegaan waxbadan ayaa ka dhaxeeya, waxaa jira waxyaabo ubaahan in layska kaashaddo, sida in Musiibooyinka looga falceliyo siwadda jir ah, sida in layska kaashaddo musiibooyinka uu san hal-qof iyo hal-qays ku filayn.

Waxaan waxbadanka xusi doonaa dhacdooyin aad usoo wadda joogteen ku waa soo Dalka ka soo dhacay, iyo kuwo Dalka ka socda oo laga yaabo in aadnan ku baraarugsanayn walina ishiinu qaban. Waxaaka mid ah dhaqdhaqaaq yadda Ururadda dhaliyaradda ee ka socda Dalka,  doonista wax wadda qabsi, iyo wadda tashi ay  Dhalinyaradda Soomaaliyeed muujiyeen, istaakulaynta xiliyadda dhibta, sida gurmadkii Pizza House, dhibtii Gaalkacyo iyo Dhalinyarada Gaalkacyo, Dhalinyaraddii Gurmad-Qaran, iyo Gurmadii guud ee Ex-zoobe, dhacdooyinkaan dhiilada leh dhalinyarddu dhab ayay oga jawaabeen.

Qormadaan waxaa ka horaysay qormo kale oo kumagac ah waxaadka helikartaa daneeyoow baloogayga, calicabdalla.blogspot.com.

Musiibo; waa dhibaato ka baxsan ama katanwayn Awoodda Dhaqaale, Cilmi iyo maaraynta cidda ay asiibto

XAALADDA DHALINYARADDA MAANTA;

Dhalinyaradda Soomaaliyeed waxay u muuqdaan kuwo doonaya wax wadda qabsi, waxaa dhaca kulamo farabadan oo ay iskugu yimaadaan dhalinyaradu, waxay dhalinyaradda aad ugu xiisaqabaan in ay istaageeraan wax wadda qabsadaan, in kastoo sidii loo baahnaa wali aysan gaarin, waxay caawiyaan ummaddooda marka dhibtu jirto loona baahan yahay, sida xaqiiqadda ah waxaa jiray doorar muhim ah oo ay ciyaareen dhalinyaraddu. Waxaan la inkiri Karin in dhalinyaraddu ku kala firirsanyihiin Ururo farabadan, waxay dhaantaa waayadii aysan jirin labo isku timaada. Waxa muuqdaa waxay tahay in dhalinyaraddu ay ku qanci waayeen sidii hore, taasoo aheed in si kali kali ah ay iskaga joogaan guryahoodda, iyo goobaha wax barashadda. Waxaa jirta qaaciddo dhahaysa, “marka aad ku qanci wayso xaaladdaadii hore ee aad isbedel raadiso, Hormar ayaa jira”, Dhalinyaradda Soomaaliyeed waxaa ka muuqda in ay ku qanci waayeen sidii hore ee ay u noolaayeen, dhalinyaraddu waxay iskugu imaan jireen goobaha wax barashadda, fadhiku dirriradda iyo goobaha madadaaladda, maanta arinku sidaas wuuka duwan yahay, Xaafad kasta waxaad ku arkaysaa Urur dhalinyaro, Jaamacad kastaa waxay leedahay Midaw arday, Maqaayadaad gasho waxaa shir wadatashi ufadhiya Dhalinyaro haldoor ah, waxaa bilaawday isku masayr qabsho Xafladdo, wacyi galin, iyo Siminaaro. waxaa bilaawday oo aanan abid horay aanan anugu intaan Nolosha soo joogay dhalinyaro iskugu faanaysa waxaan qoray Buugaan iyo waxaan qabtay Bandhig Carwo Buugaag, dhalinyaraddu waxay ku tartamaan Hal-abuurka iyo wax qorista, aqrista mayla dareensantahay waxaan tirinayo, maxay kaaga dhigan tahay?. Xiliga kala guurka dhalinyaradda horay u raac yuusan kaategin.

Dhalinyaradda Soomaaliyeed ururo ayay sigooni gooni ah u asaasaan, wali lama gaarin midnimaddii loo baahnaa hadana midnimadaas mar qura iskama imaan karto, bilawgeedii ayaa muuqda, waxaa jira ururo ay ka dhaxayso wada shaqayn isna ogol, urur radaas waxay si wadda jir ah  wax oga qabteen Pizza house, Ex-zoobe, dibad baxii Koonis, iyo aruurinta caawinaadda Dadkii waxku noqday Qaraxaas.

Markaad ku qanci wayso qaabka aad u nooshahay iyo xaaladda aadku sugantahay xiligaas aad qiimaynta isku samaynayso waxaa jira hormar, markaad aragto isku masayr iyo iskaga dayashadda wanaaga waxaa jira hormar. Ururadda tiradda badan ee dhalinyarddu asaasayaan waxayka turjumayaan in ay sidii hore ku qanci waayeen garteenna in ay wax isla qabtaan isna kaalmaystaan, Bandhig Carweed yadda laqabto sanad walba ee ay magaalooyinku iskugu faanayaan, dhalinyaraduna Buugaagta ay qoraan ku soo bandhigaan waxay ka turjumaysaa in dhanka wanaagsan loo dhaqaaqay ummadduna ay doonayso in ay markaan bal Taariikhdooda qoraan kaydiyaanna si ay mustaqbalka dib ugu milicsadaan. Dhalinyarada Soomaaliyeed maanta waxay ku tartamaan wax ka qabashadda dhibaatooyinka Dalka ka dhaca, waxaan ka xusikaraa dhalinyaradda Magaaladda Gaalkacyo, dhalinyarada Gaalkacyo waxay dhigeen dibadbax taariikhi noqday kaa soo ay oga soo horjeedeen dhibaatadii Qadka cagaaran ee Magaaladda Gaalkacyo ka jiray waxay muujiyeen isku duubnidooda iyo rabitaankoodda Nabadda, waxay muddo halmaalin ku siman joojiyeen danahoodii gaarka ahaa waxay iskugu yimaadeen danta guud ee deegaanka, waa sidaas sida loo baahan yahay dangaara kaliya Noloshu kuma dhisna. Hadaan soo qaato dhalinyarada Gobolka Benaadir, runtii isbedel wayn ayay muujiyeen iyo isku duubni waxay sidadda jira ugu heelan yihiin u shaqaynta iyo caawinta Bulshadda Gobolka, waxaa aad ii cajabiyay dhacdadii 14 October sida ay oga jawaabeen dhalinyaradda Gobolka Benaadir, Isbitaaladda waxaa buuxdhaafiya dhalinyaro Dhiig-bixiyayaal, Xoog bixiyayaal iyo Talo bixiyayaal ah, dhalinyaradda Gurmad-Qaran waxaa ku jiray nuuckasta dhalinyaradda Soomaaliyeed Qurba joog, iyo Qaran joog intaba waxaa u badnaa dhalinyaraddii Jaamacadaha waxay qabteen shaqo natiijaddeeda la mahdiyay rajo wanaagsanna ku beertay Ummadda Soomaaliyeed. Dhalinyaraddu intaas kaliya kuma ekaan waxay muujiyeen shucuurtooda iyo sida ay iskugu danqanayaan waxay dhigeen dibad-baxyo farabadan haba ugu caansanaado 18kii October Koonis ka dhacay,dhalinyaraddu waxay si gooni gooni ah u caawiyeen dhibanayaashii Gobolka Benaadir ee Qaruxu waxyeeleeyay.

Gurmadkii guud ee 14 October;

Wixii dhacay 14 October waxay aheed dhacdo aad u xanuun badan runtii waxay taabatay cidwalba, Dad gaaraya qiyaastii Kun qof ayaa ku geeriyooday, Dadka qaar way gubteen oo lama arkin, qaar meesha ayaga oo socda ayay ka tageen laakiin waxay ku dhintaan guryahooda waqtigii qaraxa muddo ka dib, qaarna waa la helay mayd koodda, kuwa lawaayay waxay u badnaayeen Dad danyar ah Dadkooduna aysan awoodin in ay warbixin toodda la wadaagaan meelaha ku haboon, waxaa ku taalay goobta qaraxu ka dhacay Busteejo Shabeeladda Hoose looga baxo xiligaasna Dad badan ayaa ka bixijiray Busteejadaas, waxaa dhoobnaa ilmo Caseeyeyaal ah oo Waalid kood Xamar ku ogyihiin in ay jiraan warbixin toos ah na aysan ka heli jirin, Dadkaas cidi ma sugi karto Tiradda saxdaa ee meshaas ku geeriyootay, laakiin waxaa loo badinayaa in aysan geeriddu ka badan Karin Kun qof, in ay ka badan tahayna waa suurtagal, xaqiiqaddu alle ayay agtaalaa.

Dhacdadaas waxaa loogu gurmaday siyaabo kala duwan, waxaa laga soo gurmaday meeelo kala duwan Dalka iyo Dibadaba, Muslim iyo Gaalaba  waysoo gurmadeen. Waxaan is barbardhig ku samaynaynaa gurmadka Soomaalidda iyo kan Ajnabiga.

Dawladda Ingiriisku waxay ugu deeqday Dhibanayaashii Qaraxii Zoobe lacag gaaraysa $20000, labaatan Kun oo Doolarka maraykanka, halka Reer Boosaaso kaliya ay ugu deeqeen ku dhawaad nusmilyuun Doolarka maraykanka ah waxaa muuqda in farqi wayn u dhexeeyo, farqiga u dhaxeeyaa wuxuu yahay Reer Boosaaso dhibtu ayaykay ku dhacday Ingiriiska kuma dhicin, farqiga wayn oo udhaxeeyaa wuxuu kaloo ka turjumayaa sida aan iskugu filannahay, sidoo kale Reer Soomalilaan kama aysan aamusin dhibta ka dhacday Xamar aad ayay ugu duceeyeen Dadka dhibtaas wax ka soo gaareen. Ummadda Soomaaliyeed aad ayay u kacday siyay garab istaag ugu muujiso dhibanayaashii qaraxii Zoobe. Wadda jir waa sidda kaliya oo aan ugu guulaysan karno waxa aan rabno. Dhalinyaradii S.Y.L waxay qaateen doorkooda, dhalinyaradda maantana doorkoodii haddi ayuu hanaqaadayaa sidaan saadaasha ku ahayo.

DHALINYARADII S.Y.L IYO DHALINYARADDA MAANTA;

 Dhalinyaraddii S.Y.L waxay ahaayeen dhalinyaro Bulshadooda u adeegay waxna u qabtay intii karaankooda iyo garashadooda ah, runtiina fahmay in Bulshaddu door muhim ah oga fadhiso, way qaateen doorkoodii Heeryaddii gumaystihii faraku tiriska ahaana way iska tureen. Dhalinyaraddii S.Y.L waxay ku amaanan yihiin midnimaddii, is hogaamintii, dulqadkkii culays iyo isutanaazulkii ay muujiyeen. Dhalinyaradaas waxay isticmaaleen falsafado ay ku dhaafeen caqabadihii jiray xiligaas. Dhalinyaraddii S.Y.L waxay dhalinyaradda maanta oga duwanaayeen xildoon maahayn, xooladoon maahayn, xalaal quutayaal ayay ahaayeen Ilaaheey leh iskuna kalsoon, S.Y.L waxay raadinayeen Xornimo layaqaan meeshay jirto, waxay la dirirayeen Gumayste Duq ah, iyo gumaysi aanan anagu keensan, gumaysiga maanta aan ku jirno anagaa keensanay, harcad baan suuqka soo iibsanahay, markaan baranay “Beesha caalamkooy Biil noo soo raadi” waxbadan ayaa noogu soo hoosdhuuntay Beesha Caalamka, Soomaali matuugsan jirin.

Dhalinyaradda maanta;

Dhalinyarada maanta jirtaa Runta wayka dheeraadeen, waa xildoon xooladoon ah, intaas waxaa usii dheer iskuma kalsoona, cadaankay ukala dhuuntaan, sacaba hoorsigu waa caado halkuu ceebka ahaan jiray, micnaha gacanta oo saysa maanta ma naqaano, cid gaara kuma riixayo waanku wadda jirnaa ee aniga hadalkaa ii dheer adinkana aamuska. Dhalinyaradda maanta waxay raadinayaan Xornimo ku dhexdaadsan Tiin, Gumaystaha maanta jiraa waa casri, gacan teenna ayaanku keensanay asagu nama soo raadsan anagaa raadsanay, hadaan is ogolaanno miyuu noo imaan lahaa, dhalinyarada maanta xornimadda iyo madax banaanidu meel sax ah oo loogu hagaago malahan, Aduunku intii iskaga dhow daba-dhilifku waa dho’ oo duul dhawr qaaradna iskaga gudub, dhibkaasaa haysta dhalinyaradda maanta. Maanta shisheeyaha waa loo adeegaa asagoon Dalka iman, halka xiligii S.Y.L shisheeyuhu koowiyo toban layaal uu la dhextaagnaa Xamar iyo Dhulkeenna guud ahaan waxa u adeegaana wayska yaraayeen.

Gunaanad:

Dhalinyaradda maanta waxay muujinayaan loolan, loolanka waxaa ka dhasha Nidaam haddii loolankaas sifiican loo maareeyo, Nidaamkana waxaa ka dhasha Bulsho fayoow, aan loolanka maanta jira sifiican u maarayno siyaan u helno Bulsho caafimaad qabta. Qofkii arka ururo dhalinyaro farabadan ee dhismaya yuusan layaabin hadhiira galiyo waxaa ku jira isku day wanaagsan dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed ee maanta jirta. Qof walbaa Bulshadda waqti ha uhuro waqtiga kaligaa malihid, isdhexgalka Bulshadda waxaa ka dhasha iskaashi iyo aragti isdhaafsi hormar horseedda. Yuusanku dhaafin waqtiga kala guurka dhalinyaradda Soomaaliyeed.