Xogta Deegaanadii ay Alshabaab qabsadeen Koofurta gobolka Mudug

Ururka Alshabaab oo ciidankoodu shalay galab isku fidiyey Tuulooyinka Baraag Farey iyo Waable ee koofurta gobolka Mudug, ayaa wararka halkaas saaka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in wali ku sugan yihiin deegaanadii ay qabsadeen. Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay gubayaan beeraha, aqalada iyo hantida ma guurtada ah ee ay halkaas ugu tageen. Waxaana […]

Continue Reading

Alshabaab oo galabta isku fidiyey deegaano horleh koofurta Mudug

Waxaa maalintii saddexaad dagaal dhexmaray ciidanka deegaanka iyo ciidanka Alshabaab, dagaalka ayaa maanta dib uga qarxay deegaanka Baraag farey oo 20 km u jirta Magaalada Ceelhuur koofurta Gobolka Mudug. Ciidanka Alshabaab abaara duhurkii weerar ku ekeeyey ciidanka deegaanka oo halkaas fadhiisan ku lahaa, Waxaa dagaal saacad socday alshabaab kula wareegeen gacan ku heynta Tuulada Baraag […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeyey Xaalada Deegaanka Caad gobolka Mudug

Waxaa dagan xaalada deegaanka Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug, halkaas oo saaka  dagaal ku dhex maray ciidanka deegaanka iyo Ururka Alshabaab. Dagaalka ayaa saaka dhacay gudaha deegaanka Caad, halkaas oo ciidanka deegaanku weerareen saldhiga Alshabaab ku lahaayeen gudaha Magaalada. Alshabaab oo gurmad ka helay degmada Xarardheere ayaa markii dambe dib ula wareegay Magaalada Caad. […]

Continue Reading

Burcad-badeed Sii daayey 22 Badmaax kana Qaadatay 2.2 Milyan oo Madax furasho ah

Shabakada Ceelhuur Online ayaa goordhow heshay Xog ah in koox burcadbadeed Soomaali ah ay sii dayeen 22 badmaax oo isugu jiray 13 Badmaax oo u dhashay dalka China, halka 9 kalena u dhasheen dalka Taiwan, waxaa ayna ka qaateen lacag gaaraysa 2.2 Milyan dollar  Maraykanka ( Laba Milyan iyo laba boqol oo kun). Diyaarad yar […]

Continue Reading