Mas’uuliyiinta Ciidamada oo booqday degaanka Laanta buuro

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta degaanka Laanta Buuro ku booqday ciidamadii Milatariga ee dhawaan laga saaray Magaalada Muqdisho.

Ciidamada  halkaasi lagu diyaariyay,waxaana loogu tala galay in ay Weerar ku qaadan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Wararku waxa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada uu u sheegay in ay isku diyaariyaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya dhawaan ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay qaadi doonaan howlgal culus oo Shabaab ka dhan ah.