Sawirro: Dhismaha garoonka diyaaradaha Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dhismaha garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Hobyo ayaa meel fiican maraya, waxaana dhaqaalaha ku baxaya dhismsha garoonka iska kaashanaya hay’adda SSF iyo dadka deegaanka.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya dhaqaale kor u dhaafaya 300 kun dollar, waana mashruucii ugu balaarnaa ee dhawaanahaan laga fuliyo Hobyo, dadka Hobyo ayaa u safra Cadaado iyo Galkacyo oo u jira ku dhawaad 300 km si ay diyaarad u helaan.

Sidoo kale waxaa gabagabo maraya dhismaha xarunta degmada iyo iskoolka. Hobyo ayaa dib uga soo kabanaysa dhibaatadii dagaalada Sokeeye, waxaana dhawaan gaaray halkaasi ciidamo boolis ah oo tababar soo dhameystay.

IMG_20170307_235447-1-1 IMG_20170307_235509-1 IMG_20170307_235528-1 IMG_20170307_235536-1 IMG_20170307_235544-1