IGAD oo wakiil cusub u soo Magacowday Soomaaliya

Wararka Maanta

Urur Goboleedka IGAD,ayaa wakiil cusub u soo magacaabatay Soomaaliya Sida lagu xusay Warmurtiyeedkii kasoo baxay Ururkaasi ee ku saabsanaa Shirkii IGAD ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay.

Wakiilka cusub ee lasoo Magacaabay Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo, waxaana uu xilkaas kala wareegay Maxamed Cabdi Afeey.

Magacaabista ayaa timid ka dib markii Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Wakiilkii u qaabilsan IGAD Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ay u magacowday wakiilkeeda arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

Maxamed Cali Guyo ayaa waxaa lagula dardaarmay in uu noqday wakiil wanaagsan oo sare u qaadi kara Xiriirka IGAD iyo Soomaaliya.

Muddo ku dhow Halsano Soomaliya malaheyn wakiil u qaabilsan IGAD.