Maraykanka oo ugu deeqay Gaadiidka aan Xabaddu karin Soomaaliya(Sawiro)

Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada Mareykanka ayaa soo gaarsiisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya lix gaari oo ah gaadiidka aan xabadaha karin.

Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Federalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kala wareegay gaadiidkan saraakiil ka socotay dowlada Maraykanka.

Maxamed Mursal Sheekh Wasiirka Gaashaandhigga Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ugaga mahadceliyay dowlada Maraykanka deeqda gaadiidka ay ku soo wareejisay wasaarada gaashaandhiga.

Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya qalabeynta, tababarka iyo taakuleynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya

Hase yeeshee dhowaan ayay dowlada Maraykanka waxa ay ka joojisay dowlada Soomaaliya sahaydii ay siin jirtey ciidamada Milatariga kadib markii uu soo dhex galay shaki ah in la musuqmaasuqo gargaarka la siiyo ciidamada Milatariga Soomaaliya.