Werner Klawun oo ahaa Ku xigeenka Xisbiga National Democratic Party of Germany (NPD) ayaa soo Islaamay isagoo 75 sano jir ah, waxaa lagu yaqaanay neceybka qaxootiga iyo dadka muhaajiriinta ah, Hada Klawun waa taageeraha ugu ballaaran ee Qaxootiga ka imanaya Siiriya, Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Isagoo la hadlaya Jariidada caanka ah ee Bild, ayaa sheegay inuu Diinta Islaamka qaatay ka dib markuu aqriyay Quraanka Kariimka iyo Buugti qoraagi weynaa ee Germany Wolfgang von Goethe oo ka hadlayay Nabi Maxamed CSW “Mareykan, Yurub dhamaan fikradaha iyo aragtiyadeena haddii la isku daro ma gaari karaan Nabi Muxammad SCW”
Klawun oo hada loo yaqaan Ibraahim ayaa goortii uu Muslim noqday Xaaskiisi ka tagtay caruurtina ka sii kaxeysatay. Hada waxaa guriga kula nool Afar Qaxooti Siiriyaan ah da’dooduna u dhaxeyso 18-30 jir, iyaga ayuuna u arkaa Qoyskiisi oo kale.
Ibraahim wuxuu kaloo sheegay in Diinta Islaamka uu qaatay iyo Quraanka uu aqriyay ay gebi ahaanba bedeleen fikradihiisi taasoo keentay inuu u arko in aysan ahayn is-bedel ku filan inuu Xiriirka u jaro Xisbigiisi NPD keliya balse uu caawiyo Qaxootiga iyo Diinta Islaamka.
W/Qorey: Farah Cawaash