Manchester United Oo Mar Kale Dalab Ka Gudbinaysa Gareth Bale

Ciyaaraha

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Real Madrid  xiiso ku aadan saxiixa Gareth Bale.

Intii lagu jiray xagaagan, United ayaa si joogta ah loola xiriirinayay xiddiga garabka ka ciyaara, kaasoo dhaawac soo gaaray xilli ciyaareedkii 2016-17 ee La Liga.

wax heshiis ah lama gelin, Bale ayaa si joogta ah u cadeeyay inuu weli ku faraxsan yahay Madrid, laakiin sida laga soo xigtay The Sun, United ayaa u muuqata inay xiiso u qabto xiddiga reer Wales.

Inkastoo Real Madrid la sheegay inay diidday dalabka uga imaaanaya suuqa kala iibsiga, hadana madaxda kooxda Bernabeu ayaa ku wargaliyay dhigooda kooxda United in qandaraaska la filayo 2018ka.

Bale ayaa weli heysta shan sano oo qandaraaskiisa ah, halka 28 jirkaan uu ku bilowday labadii kulan ee ugu horeysay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, iyadoo Cristiano Ronaldo uu ganaax ku maqan yahay.

Waxaa la soo jeediyay in Real Madrid ay dooneyso inay siiso boos joogta ah da’yarka Marco Asensio, kaasoo si dhakhso ah uga soo muuqanaya garoomada isagoo ka mid ah xiddigaha ugu fiicnaa kubada cagta Spain.

W/Q Hafsa haji