La Ogaaday: Cristiano Ronaldo Oo Wadahadalo Qarsoodi Ah La Yeeshay PSG 

Ciyaaraha

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadalo aan rasmi aheyn la yeeshay kooxda Paris Saint-Germain.

Ronaldo ayaa ku riyaaqay sideed sano iyo bar garoonka Bernabeu, labo horyaal iyo seddex Champions League ayuu kula guulaystay, laakiin wararku waxay soo jeediyeen in xiddiggu uusan ku faraxsaneyn nolosha Madrid.

32 jirkaan ayaa dhawaan sheegay inuusan qorsheyneynin inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda ka dhisan La Liga, sida laga soo xigtay Diario Gol, taasoo  ku dhiirogelisay PSG inay qandaraaska u galaan saxiixiisa.

Wadahadal ayaa la sheegay in lagu qabtay hoteel ku yaala Madrid, iyadoo wakiilkiisa Jorge Mendes uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu isku dayo inuu ku biiro heshiiskiisa hadii Ronaldo uu doonayo inuu u dhaqaaqo Paris.

PSG ayaa jabisay rikoorka suuqa kala iibsiga ee xagaagii lasoo dhaafay, inkastoo kooxda Faransiiska ah ay sidoo kale bixisay lacagta lagu iibsado xiddiga AS Monaco Kylian Mbappe, laakiin waxaa lagu soo waramayaa in PSG ay dooneyso inay bixiso wax walba oo ay ku heli karaan Ronaldo. .

Ronaldo ayaa keliya hal gool dhaliyey sideed kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, inkastoo xiddiga reer Portugal uu dhaliyay sideed gool Champions League.