Madaxweyne Waare oo kala diray Madaxdii Garsoorka Gobolka Hiiraan.

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo booqasho ku jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku kala direy xubnihii garsoorka maamulka Hirshabelle u qaabilsanaa gobolka Hiiraan.

Wareegtada lagu kala direy xubnaha garsoorka gobolka Hiiraan oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaan lagu sheegin sababta keentay kala diristooda.

Dhowaan ayaa maamulka Hirshabelle waxa uu xilkii ka qaaday duqii magaalada Beledweyne iyadoo loo magacaabay duqa magaalada Beledweyne haweeney qurbo joog ah.

Halkan hoose ka aqriso Wareegtada lagu kala direy xubnaha garsoorka gobolka Hiiraan.