MD Farmaajo oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa muddo todobaad gudahood ugu yeertay inay dalka ku soo galaan Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Masar iyo Sudan

Wararka qaar ayaa sheegaya in u yeeritaanka labada Safiir ay la xiriirto magacaabida Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo Madaxweynuhu ku magacaabay wareegto.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya C/xakiin Xasan Ashkir ayaa ku heyb ah Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta, waxaana laga yaabaa inay saameyso habka awood qeybsiga ee Safaaradaha dibadda.