Madaxweyne Farmaajo oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

Wararka Maanta

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Wafdiga Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb gali doona Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga oo dhawaan dib loo doortay.

Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu waddaa in ay bari ka dhacdo Ankara,iyadoona ay ka qeyb gali doonaan Madax ka socota dalalka Caalamka.

Turkiga ayaa ah si gaar ah u taageera Soomaaliya, isagoo Magaalada Muqdisho ka furtay safaaradda ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay Caalamka, Sidoo kale Madaxweyne Erdogan ayaa dhowr jeer soo booqday Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ayaa Turkiga u arka walaalo u hiiliyey Bulshada Soomaaliyeed xilli ay u baahnaayeen. Waxaana Turkigu Mashaariic waaweyn ka fuliyeen dalkeena Soomaaliya.

 

Tagged