Sawiro: Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Taliyaha Xoogga Dalka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen.Cabdiwali jaamac Gorod ayaa maanta waxa ay kulamo la qaateen saraakiil ka tirsan UN iyo AU  oo tababatayey qayb ka mid ah ciidamado isku dhafka ah magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha Galmudug oo dardaaran u jeediyay ciidamada isku dhafka ah ayaa yiri”ma dooneyno in mardambe la arko ciidamo isku dilaya qaab qabiil kuwa wadooyinka xiranaya looma aabe yeeli doono waala iska dhicinaya kuwa la doonayo in magaalada Galkacyo amni ka dhigaan waa idinka ee waalidiintiin iyo caruurtiina colaada ha u horseedidinee nabadeeya dhulka”

Dhanka kale Taliyaha xoogga dalka Cabdiwali Jaamac Gorod ayaa isna sheegay in ujeedka ay Galkacyo u yimaadeen isaga iyo madaxweyne Xaaf ay tahay in la furo jidadka Xiran ee Galkacyo kuwaas oo mudooyinkan xirnaa.

Sidoo Madaxweynaha ayaa maanta kormeeray xero duleedka Galkacyo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka. Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay nabadeynta Galkacyo.

Ahmed Abdisalaan Khaliif