Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Si diiran loogu soo dhaweeyey Baydhabo (Sawirro)

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku simaha Madaxweynaha JFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeelgaarka ah maamulka Koofur galbeed. Guddoomiyaha safarka waxa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Maamulka Koofur galbeed, Xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Safarka uu guddoomiyaha uu ku tagay  Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka noqonaya safaro uu guddoomiyaha ku tagi doono magaalooyinka maamul goboleedyada dalka si uu kulamo wadatashi ula soo yeesho masuuliyiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedyada dalka.

Tagged