Kenya oo wili doonaysa in wada hadal in lagu xaliyo kiiska badda Somaliya

Wararka Maanta

Kenya ayaa mar kale ka hadashay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo jawaabta ay arrintaasi ka bixisay.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in wali Kenya ay ka taagan tahay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya meeshii ay horay uga taagneyd.

Githu Muigai waxa uu intaasi ku daray in ay Kenya rumeysan tahay in wada hadal wax lagu xaliyo oo aan maxkamad loo baahneyn, marka la eego qaabka ay u wada hadli karaan Somaliya iyo Kenya.

“Mowqifkeenna waxa uu ku jiraa heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha iyo heshiisyo kale oo caalami ah iyo sidoo kale heshiisyada ay gaareen dalalka Afrika tan iyo 1964-tii.”

Soomaaliya iyo Kenya ayaa 3-dii sano ugu dambeysay ku murmaayey badda, Soomaaliya ayaa sheegeysa in Kenya ay xoog ku heysato dhul uu shidaal ku jiro, oo ah xadka labada dal ee dhanka badda.