Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Turkiga Oo Maanta Kawada Hadlaya Xoojinta Xariirka Labada Dal

Wararka Maanta

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dagay  magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Rajab Dayib Erdogaan.

Farmaajo iyo Erdogaan, ayaa wada hadalkooda maanta diirada ku saaraya sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya dalalka Somaliya iyo Turkiga, Kor u qaadida kaalmada Turkiga uu siiyo dalkan iyo sare u qaadida tababarrada Ciidamada xooga dalka.

Si Kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabogabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Maria Alisabetta Casellati iyo Roberto Fico.

Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga