Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay maanta inuu mar labaad u taagan yahay qabashada xilka Madaxweynaha Puntland, Munaasabad ka dhacday Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka sheegay inuu u tartamayo doorashada 8 Janaayo 2019.
Cabdi Wali Gaas ayaa muddo 5 sano ah hayey jagada Madaxweynaha Puntland. wuxuuna intaa ku daray hadii markale la doorto inuu dhameystiro doono mashaariicdii uu bilaabay, sidoo kale wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono dib u habeynta ciidamada iyo dib usoo celinta deegaanada Maqan.
Salaadiin iyo marti sharaf kale ayaa ka hadlay goobta, waxayna inta badan muujiyeen taageeradooda in Markale la doorto CabdiWali Maxamed Cali Gaas.
Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa sanadkan ka xiiso badan sanadihii hore, waxaana u taagan musharixiin farabadan oo u badan qurbojoog, laba musharax oo kaliya ayaa ka ah daljoog Siciid Deni iyo Asad Cismaan.