Ciidamada Amaanka Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigay Gabar Ayeydeed Ku Sumeysay Duleedka Kismaayo

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka ay qabteen Gabar ay sheegeen in ay sun siisay Ayeydeed.

Hay’adaha Dambi baarista Maamulka Jubbaland ayaa Sheegay In Gabadha da’adeeda Ay Tahay 15-Sano jir, laguna Magacaabo Naciimo bashiir.

Waxa ay sheegeen in falkaan ay Xalay fiidkii ka geysatay Deegaanka Goobwayn ee duleedka magaalada Kismaayo, iyada oo Sumaysay Ayeydeed Hooyadeed dhashay oo ay kuwada noolaayeen Guri.

Gudoomiyaha Deegaanka Goobweyn Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in Ayeeyada la oran jiray Dahabo Maxamed, Ciidamada Dambi baaristane ay gacanta ku hayaan kiiskaan, si ay u ogaadaan waxyaabaha Naciimo ku sababay in ay Sun siiso Ayeydeed.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Sunta la siiyay Ayeeyada Dhimatay ay aheyd tan beeraha oo Naciimo ay kasoo iibsatay Dukaan ku yaalla Deegaanka Goobweyn.

Dhacdooyinka Nuucaan ayaa ah kuwo Dhif iyo Naadir ah oo ka dhaca Soomaaliya, waxaana la dhowrayaa Baarista Ciidamada Dambi baarista Jubbaland ay kasoo saaraan Kiiskaan.