Wararkii ugu dambeeyey Siyaasadda Galmudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa wali ku sugan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, isagoo halkaas ka wada xalinta tabashooyinka beelaha qaar. Kheyre ayaa wali ku guuleysan cabashada beesha Dir, arintaas oo keentay in xalay dib u dhacday xaflad lagu daahfuri lahaa soo xulista xildhibaanada Galmudug.

Dhanka kale magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa fadhiya Axmed Ducaale Xaaf Madaxweynaha Galmudug, wuxuuna kasoo horjeestay howsha dhismaha Galmudug ee ka socota Dhuusamareeb, Xaaf ayaa xalay magacaabay 11 xubnood oo noqonaya guddiga doorashada Galmudug garabka Xaaf.

Xaaf ayaa taageero ka helaya Madaxada Maamuladda Puntland iyo Jubbaland, qaar ka mid odoyaasha beelaha iyo siyaasiyiin ka gadoodsan sida dowladu u wado dhismaha Galmudug.

Gabangabadii 

Isla-egta Khilaafka Galmudug ( Gadoodka Xaaf ee lacag doonka ah + tabashada beelaha + Dabinka u dhigan  Macallin Maxamuud + afduubka Madaxda Dowladu ku heyaan dhismaha Galmudug = Galmudug dhicis).