Shirkii Maamul goboleedyada iyo Imaaraadka oo soo idlaaday

Wararka Maanta

kismaayocarab

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ku sugnaayeen Madaxda maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya ayaa waxaa jiray warar soo baxayay oo sheegayay in kulamo uu u socday madax ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Kulamada oo ahaa kuwo qarsoodi ah ayaa looga hadlayay arrimo badan oo la xiriirta doorashada Soomaaliya iyo qorshe Imaaraadka Carabta wadato oo ku saabsan Musharaxiin ay si gaar ah u daneyneyso.

Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo koofur galbeed ayaa ku sugnaa maalmihii u dambeeyay dalka isu tagga imaaraadka Carabta, waxaana lagala hadlayay sidii ay u taageeri lahaayeen Musharaxiinta ay wataan.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Al-Cutmaani ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay in Madaxda maamul goboleedyada lagu casuumo Imaaraadka Carabta oo kulamo qarsoodi ah ay wada qaataan.

Warar ayaa sheegaya inuu soo gaba gaboobay kulamadaas, isla markaana lagu wado in maanta iyo berri ay dalka dib ugu soo laabtay Madaxda maamul goboleedyada ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dubai.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta ay u dhiibeen warqad ay ku qoran yihiin Labo musharax ay wataan.

Imaaraadka Carabta ayaa markii hore taageersanaa in mar kale la soo doorto Madaxweyne Xasan Sheekh, balse haatan ka baxday, iyagoo labo musharax oo kale oo ay doonayaan in mid la doorto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddooyinkii u dambeeyay culeys uga imaanayay Beesha caalamka ayaa u muuqda inuu waayay taageeradii ugu weyneyd ee uu ka heystay Imaaraadka Carabta.

Waxaa cadaatay in Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka ay isku mowqif ka yihiin arrinta doorashada iyo Musharaxa ay doonayaan, waxaana loo arkaa in Imaaraadka uu yahay wakiil qarsoon oo Mareykanka u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Imaaraadka Carabta ayaa saameyntiisa siyaasada Soomaaliya ay sii xoogeysaneysa saddexdii sano ee u dambeeyay, isagoo xiriir dhow la sameysanayay maamul goboleedyada dalka ka jira oo uu si kala gaar gaar ah ula macaamilayay, waxaa ay siiyeen taageero milateri, mid dhaqaale iyo agabyo kale.

Xigasho: Jowhar.com

Comments are closed.