Madaxweynaha Somaliland oo guddi culimo ah magacaabay

Wararka Maanta

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood oo ah guddiga culimada ee uu dhigaayo Dastuurka Somaliland muddo dheerna la sugaayay magacaabistaasi.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay gudigan in ay xoojiyaan midnimada iyo wadashaqaynta culimada dhexdeeda.

” waxaan idinkula dardaarmayaa  in aad nagala shaqaysaan la dagaalanka balwadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaama”. ayuu yiri Siilaanyo.

Gudigan oo loo gudbin doono golaha guurtida si ay u ansixiyaan waxay magacyadoodu kala yihiin :

1. Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Boqorre Jawhar.

2. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed

3. Sheekh Maxamed Cumar Dirir

4. Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil

5. Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax

6. Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame

7. Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed

8. Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi

9. Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh

10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)

11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi

12. Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)