Sawirro: Madaxtooyada Cusub Koofur Galbeed oo Xarigga laga jaray

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta xariga ka jaray dhismaha Madaxatooyada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo.

Madaxtooyadan ee cusub ee laga dhisay Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka kooban tahay 25 xafiiis Hool weyn oo shirarka loogu talo galay iyo guryaha martida.

Waxaa munaasabada xarig jarka ka  qeybgaley masuuliyiin ka socoda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, Wasiiro Ururada Bulshada iyo xubno kale.

Waxaa Munaasabadaas ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xafiiska ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Abdullahi Xaamud waxayna sheegeen in Madaxtooyadan cusub ay kaalin ka qaadan doonto fududeynta howlaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegey in Maamulka wixii bari ka bilawda uu ku howlgeli doono Madaxtooyadan cusub ee xariga laga jaray isagoo u mahad celiyey dhamaan heyadihii iyo shaqsiyaadkii gacanta ka geystay dhismaheeda.