Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Wafdi la socda ayaa Maanta oo Talaado ah la filayaa in ay tagaan Degaanka Mareergur Ee Gobolka Galgaduud islamarkaana u dhexeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Godinlabe.
Saraakiil sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa ceelhuur.com u xaqiijiyey in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele uu Maanta tagayo Degaanka Mareergur oo uu halkaas kula kulmi doono Wafdi ka socda Ahlusunna.
Wafdiga Ahlusunna ee Madaxweyne Xaaf kula kulmi doona Degaanka Mareergur ayaan la shaacin Cidda Hogaamineysa,waxaana Kulankaan uu noqonayaa kii ugu horeyyay oo ay si toos ah u wada kulmaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Saraakiil sare oo ka socota Dhanka Maamulka Ahlusunna. arintaan ayaa waxaa ka soo shaqeeyey guddi culimo ah oo ka yimid gobolka Mudug, kuwaas oo isku dayey maalmahaan in ay isku soo dhaweeyaan labada dhinac.
Lama sheegin waxa kulanka Maanta looga hadli doono,balse waxaa uu imaanayaa Kulankaan Xili Madaxweynaha Galmudug uu ku dhawaaqay Golaha Wasiiradda Maamulkaasi iyo Iyadoo Xiisad Dagaal oo u dhexeysa Maleeshiyaad Taabacsan Ahlusunna iyo kuwo Degaanka ah ay ka jirto Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.