Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay safiirka EU Soomaaliya (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta waxa uu kulan kula yeeshay magaalada muqdisho safiirka EU Soomaaliya Ambassador – Ms Veronique LORENZO.
Kulankaan ayaa waxaa looga hadalayay arimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Xaalada magaalada Gaalkacyo Arimaha Doorashooyinka waxbarshada ciidamada iyo Hormarinta Ageegyada Bulshada .
Arinta magaalada gaalkacyo ayaa sixoogan looga hadlay waxaana EU ay sheegeen in ay gacan kageysanaan sidii colaadaas loo soo af jari lahaa madaxweynaha ayaa dhankiisa sheegay in Galmudug ay markasta utagantahay nabada kuna baaqeyso waxaana rajeyneynaa in ay dhamaato xalada kataagan Gaalkacyo.
Midawga yurub ayaa ku howlan sidii ay soomaaliya loo hormarin lahaa Galmudugna waxa ay ka midtahay meelaha ubaahan in dib u dhis xoogan laga sameeyo dhankasta ah sida waxbarashada dhaqaalaha Amaanka Garsoorka iyo siyaasada.

received_10206375045293783received_10206375045213781received_10206375044653767

Comments are closed.