Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenkii labaad oo is xiga weerar ku qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan ayaa yimid, kaddib markii ay Al-Shabaab bambooyin ku weerartay saldhiga booliska Afgooye, waxaana bilowday is rasaaseyn.
Ciidamada Booliska ee ku sugnaa saldhiga ayaa iska caabiyay weerarka, waxaana in muddo ah labada dhinac dhex maray is rasaaseyn culus.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay ay maqlayeen rasaas culus iyo qaraxyo agagaarka saldhiga, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalki xalay.
Habeen hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen Buundada yar, iyagoo dhanka wabiga ka soo weeraray.
Weerarada Al-Shabaab ku soo qaadeyso Afgooye ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howl gal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, waxaana maalin ka hor la wareegeen deegaanka Bariire.
Xigasho Jowhar