Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed oo goordhow gaaray Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa labadii maalin ee la soo dhaafay, garoonka diyaaradaha Galkacyo ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin iyo Shacab farabadan, waxaan loo soo galbiyey gudaha magaalada.

Guuleed ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku maqnaa dibada isagoo xaalad caafimaad u joogay dalka Hindiya, oo loogu sameeyey qaliin dhanka wadnaha ah, Waxaana la filayaa madaxweynuhu in uu la hadlo shacabka Magaalada Galkacyo, isagoo maalmahaan ku nasan doona Magaalada Galkacyo.

Comments are closed.