Koox hubeysan oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiinn Al-Shabaab ayaa maanta 10-kii barqanimo laba qof oo ahaa shaqaale samafal ka afduubtay gobolka Gedo.
Labada qof oo ka kala shaqeynayay hay’adaha Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay degaanka Geedweyne oo u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Dooloow gobolka Gedo.
Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale Soomaali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).
Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ka hor inta aan la afduubanin labadan qof ay ka yimaadeen dhanka degmada Luuq ee isla gobbolka Gedo.
Al-Shabaab ayaa inta badan falal afduub ah ah u gaysta shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale jiraan falal afduub ah oo ay Al-Shabaab ka gaystaan gudaha dalka Kenya.