Madaxweynaha Galmudug oo galinkii dambe ee maanta soo gaaray magalada cadaado ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay duqeyntii ciidamada dowlada markeynka ay u geysteen ciidamo ka tirsan maamulka galmudug oo maray deegaanka jeexdin ee bariga gobolka mudug,
Guuleed ayaa sheegay in cida ka dambeysa falkaasi ay hada wada hadal u socdaan isagoona ugu baaaqay shacabka reer galmudug in ay isdajiyaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray maamulka puntland isagoona ugu baaqay in ay xasiloonida gobolka mudug ay ka shaqeyaan wuxuna ugu dambeyntii uu ka hadlay arimaha soo xulista barlamaanka DFS.
Comments are closed.