Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo safar lama filaan ku tagay degmada Xudur

Wararka Maanta

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar lama filaan ah ku tagay degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ku qul qulayeen dad fara badan oo ka soo qaxay deegaanadii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya.

Shariif Xasan oo meel fagaare ah kula hadlay dadka reer Xudur ayaa sheegay in Al-Shabaab si deg deg looga saarayo degmada Tiyeeglow iyo deegaanada kale.

Waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay iska kaashanayaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Bay iyo Bakool.

Shariif Xasan ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay dhibaatooyin ku hayaan dadka ku nool Koofur Galbeed, isla markaana dad fara badan oo aan waxba galabsan ay ku dileen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa soo wajahay culeysyo amni, kaddib markii Ciidamada Itoobiya ay faarujiyeen deegaano dhowr ah, haatana laga cabsi qabo inay meelo kale ka baxaan.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore la wareegay degmada Tiyeeglow, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Itoobiya.

8 thoughts on “Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo safar lama filaan ku tagay degmada Xudur

Comments are closed.