Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Eriteriya

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah. Waana Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee booqasho ku taga dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ahaa Baarlamaanki Xorta ee fadhigiisa ahaa Asmara sanadihii 2007 illaa 2009-kii, sidoo kale waxaa uu xubin firfircoon ka ahaa Isbaheysigii Dib U xoreynta ee sanadkii 2007 lagu aas aasay Asmara, Zakariye waxaa lagu tiriyaaa Siyaasiyiinta Soomaalida fara ku tiriska ah ee xiriirka la leh Madaxweyne Isaias Afwerki.

Wadooyinka Caasimadda Eriteriya ee Asmara ayaa waxaa la suray calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Sawirada Madaxdaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.