RW Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan Punltand.

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre  iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tagay Magalada Garoowe ee Xarunta dowlada goboleedka Puntland.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiiusl Wasaare Khayre ayaa ka socota magaaladaasi,iyadoo madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada ay isku diyaarinayaan sidii ay soo dhaweyn diiran ay ugu sameyn lahaayeen wafdigaasi.

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo Puntland waxaa uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd.

Sidoo kale waxaa uu ka qeybgalidoonaa sanadguuradii 20-aad ee aas aaskii Puntland,taasi oo ku began 1-da bisha soo socta ee August 2018,isagoona intaasi kadib la kulmi doona madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada.

Qeybo kamid ah magaalada Garoowe,boorarka waxaa ku xardhan sawirada raiiusl wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu qoray hal ku dhigyo ay kamid yihiin soo dhawow mudane raiiusl wasaare,iyadoo shacabka Puntland ay dareen xoogan oo dhanka soo dhaweynta ah ay muujinayaan.

Kheyre ayaa dhagax dhigi doona Dhismaha Dekedda Garacad gobolka Mudug, Waana arinta ugu muhiimsan ee kheyre u tagi doono Puntland, Sanad guurada 20aad ee Aaasaaska Puntland ayaa lagu qaban doonaa Xeebta Garacad.