Sawirro: Shirkii Galmudug iyo Ahlu sunna oo ka furmay Jabuuti

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow ka furmay dalka Jabuuti Shir looga hadlayo dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna, Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay wufuud ka socota labada dhinac, waxaana si wadajir ah u hogaaminaya Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa socon doono saddex maalmood sida la qorsheeyey, waxaana maanta looga hadlayaa tababar looga hadlayo habka wada xaajoodka iyo furitaanka Shirka, intaas ka dib gudiyada labada dhinac ayaa ka wada hadli doona sidii loo mideyn lahaa labada maamul. gabagabada shirka ayaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed.

Warbixnimada shirka halkaan kala soco.