Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Abdi Faarax Siciid Juxa ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.
Fariintii Goodax Barre
Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo uga digay Ardayda Soomaaliyeed ee imtixaanka ka qeyb-galaysa in loo adeegsado siyaasadaha ku saleysan qalalaasaha.
Jawaabta Juxa
“Wasiir Godax, Faraha kala bax waxbarashada Puntland.
Wasiir Godaxow, Puntland waa pre-federal state dhisan in kabadan 20 sano oo leh manhaj, imtixaan iyo siyaasad waxbarasho oo dhisan waqti dheer.
Waa nidaam waxbarasho oo leh sharciyad iyo kalsooni shacab oo buuxda. Waa nasiib darro inaad maanta ku goodido inaad burburiso nidaamkaas reer Puntland dhisteen. Tan kale waxbarashadu waa shaqo u gaar ah Dawlad-goboleedyada ee maaha wax quseeya Dawlad dhexe.
Nidaamka Federalka waxaa loo samaystay inaan arrimahan oo kale mardame meelna marti looga noqon”.
Maamulka Puntland ayaa ku adkeysanaya in ay u madax banaan yihiin habka waxbarashada ardaydoo, iyadoo Dowladda Dhexe isku dayeyso in Puntland la mid noqoto maamulada kale.