Madaxtoyada oo laga rarayo dadka aan Shaqada ku laheyn

Wararka Maanta

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaran Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa ku amray dhammaan dadka dagan dhismaha Madaxtooyada in ay uga guuraan muddo 14 cisho ah.

Ujeedada loo rarayo dadkaan ayaa lagu sheegay inay tahay arimo dhismo, waa markii ugu horeysay oo dadka dagan Madaxtooyada amar lagu siiyo inay guuraan.

Gudaha dhismaha Madaxtooyada ayaa waxaa dagan wasiiro, xildhibaano iyo marti kale, waxaana muuqata in aan hadda kadib Madaxtooyada ay daganaan doonaan Madaxda Qarannka kaliya.

Screenshot_2017-08-10-10-16-12-1