Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dalka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Cadaado soo gaaray (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle S uleymaan iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta soo gaaray magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdigaan waxaa garoonka diyaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeen dowlada Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, wafdigaan ayaa  kulan kula qaateen madaxweyne kuxigeenka madaxtooyada Galmudug waxaana looga hadlayay Arimaha garsoorka iyo maxkamadaha, wafdigaan ayaa caawa ku hoyanaya magaalada cadaado .

Cadaado ayaa dhawaan laga dhagax dhigay xarun weyn oo garsoorka Galmudug, waana mashruuc aad u balaaran oo isugu jira Xabsi weyn, xafiisyo, xarumo tababar maxaabiista.fb_img_1480932845573 fb_img_1480932841922 fb_img_1480932849845 fb_img_1480932854129 fb_img_1480932858073 fb_img_1480932861636