Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Amniga ururka Alshabaab Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.
NISA ayaa sheegtay in ninkaan la qabtay uu madax ka ahaa howlgalka Alshabaab ee qaraxyada gawaarida lagu dhajiyo gawaarida magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu madax ka ahaa xarun qarsoon qaraxyadan lagu diyaarin jiray.
Sidoo kale NISA ayaa intaa ku dartay in ninkan la qabtay uu cagajugleyn lacago baad ah uga qaadi jiray shacabka Magaalada Muqdisho.
Ciidanka #NISA ayaa gacanta ku soodhigay dhagarqabe amniga Al-shabab katirsan, oo madax ka ahaa xarun qarsoon oo walxaha qarxa gawaarida lagula xiro. Shakhsigan ayaa sidoo kale cagajuglayn baad uga qaadi jiray qeyb ka mid ah dadka dagan Magaalada Muqdisho.
— NISA (@HSNQ_NISA) December 20, 2018
Qaraxyada lagu dhajiyo gawaaridda ayaa inta badan lala beegsadaa shakhyidaadka ay doonayaan in ay beegsadaan kooxda Alshabaab, qaraxyadii dhajinta ayaa waxaa ugu dambeeyey dadkii lala beegsaday xildhibaan Amiin Jeesow iyo wariye ismaaciil Khaliifa.