ILMIHII II GARDHIGTAY!!…. W/Q: Maxamed Dhaaley

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

gender-equality2

Waa Ilmo yar oo dugsi-quraan (Malcamad) ka yimid, Waa laba wiil iyo afar gabdhood, Waddada dhexdeeda ayaa ay ku murmayaan, Goor uu murankoodi xoogeystay, ayaa uu wiil iyaga ka mida aniga -oo jidka maraya- igu soo leexday “adeer, afar konton, iyo laba boqol sow isla ma ega?”

Waxa aan ku iri: haa. “Gabdhahaan afarta ah, sow tiiba konton maaha, oo labadeenna wiilna, kiiba boqol maaha?” Aniga oo warcelin caqligooda la eg sii is leh, ayaa aan wiilkii i la hadlay, iyo mid gabdhaha ka mida gacmaha ka soo qabtay, oo weyddiin dhex dhigay “quraanka xaggee ayaa aad ka mareysaan?”.

Gabadhii ayaa billowday “Alcimraan”. Wiilkiina waxa uu yiri “Suurat Almulk”. Waxa aan wiilkii ku iri: Sow gabadhan quraanka ma kaa horreyso? “Haa!”. meeqa gacmood ayaa ay qabtaa? “Laba!”. Adigana? “Laba”. Haddii ay hadda gacmaha laabato, oo ay casharka berrito ‘ii qor’ ku tiraa, ma u qori kartaa? “Maya maya, aniga ma gaarin casharkaas”. Haddaba, sida ay laba gacmood iyadu u leedahay, oo aad adiguna ‘laba’ u leedahay, ayaa aad u tihiin [laba qof oo siman].

Waxa keli ah ee aad ku kala sarreynaysaanna; waa gacmihiina iyo waxa aad ku kasbataan. Hadda’ oo ay iyadu gacmaheeda qorayaan ‘casharro’ aanay kuwaagu qori karin, iyada ayaa kaa sarreysa. Sow maaha? “Haa”. Laakiin, haddii aad dadaasho, oo aad quraanka ka sara-marto, adiga ayaa ka sarreyn doona. Sidaas darteed, ma ogoshahay; in aad dhammaantiin -ilmihii murmayay- tihiin [afar gabdhood, iyo laba wiil?]. “Haa”. Yaa tiro badan marka? “Iyaga -gabdhaha-“. Waa tahay. Gacmaha is qabsada haddaba, oo horay u socda, waxbarashadan ku dadaala”. Haye adeer.

Iyaga oo heshiis ah ayaa aan meeshii isku sagootinnay.

Gumeynta garaadka gabadha, waxa uu ka billowda; iyada oo la ogoleysiiyo; in gabarnimadu ay tahay ‘ayaandarro’ ku horgudban hiigsigeeda horumardoonka.

W/Q: Maxamed Dhaaley

Tagged

Comments are closed.