Madasha aragti wadaaga soomaalida oo Jabuuti ka furantay

Wararka Maanta

Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa goordhow waxa uu ka furmay Guriga Ummada ee dalka  Jabuuti.

Shirka ayaa  waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socota dowladda Jabuuti, dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad deegaanka Soomaalida, Soomaaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota dhammaan deegaannada Soomaalida.

Ajandaha Sanadkan ee lagu lafa gurayo Madasha Aragti Wadaagga ayaa ah Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika  Dabar-Furidda Awoodda Dadka si Loo Gaaro Horumar Guud.

Wafdiga dowladda Soomaaliya shirkaasi uga qyeb-galaya ayaa waxaa kamid ah,Wasiirka,Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad,Wasiirka Maaliyadda Cabdiarxmaan Ducaale Beyle iyo Xildhibanao ka tirsan Golaha Shacabka.