Marco Asensio Oo Seegi Doona Kulanka Alaves

Ciyaaraha

Marco Asensio ayaa shaki ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka La Liga ee ay la ciyaarayaan Alaves galabta Sabtida ka dib markii ciyaaryahanka reer Spain uu seegay tababarkii ugu danbeeyay ee kooxda ka hor kulankaan.

Asensio ayaa 90 daqiiqo ciyaaray mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu danbeysay ee Real Madrid, waxa uu ku riyaaqay Real Betis iyo Leganes.

22-jirkaan ayaa la rumeysan yahay in uu ku soo bilaabi doono garoonka Bernabeu, laakiin sida ay qabto Marca, weeraryahanka ayaa seegay tababarkii Jimcaha sababtoo ah goos caqliyeedka oo laga saaray.

Natiijo ahaan, xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa shaki uu ku jiraa inuu ku biirayo kooxda heysata horyaalka Spain, kuwaasoo doonaya inay afar dhibcood u jiraan Atletico Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.

Cristiano Ronaldo ayaa la nasasiiyay kulankii ay Real Madrid 3-1 kaga badisay Leganes habeenkii Arbacada, lakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa ku soo laabtay kooxda isbuucaan.