Luis Enrique Oo Loo Magacaabay Tababaraha Xulka Spain

Ciyaaraha

Spain ayaa ku dhawaaqday in macalinkii hore ee Roma iyo Barcelona Luis Enrique uu noqon doono maamulahooda cusub labada sano ee soo socota.

48 jirkaan ayaa kala wareegay Fernando Hierro, kaasoo loo dhiibay Koobka Adduunka in uu maamulo La Roja ka dib markii la ceyriyay Julen Lopetegui.

Spain ayaa xaqiijisay isbuucaan in Hierro uusan ku sii jiri doonin shaqada xulka, halka Enrique uu  haatan yahay tababaraha qaranka.

Enrique, oo si xoogan loola xiriirinayay shaqada Chelsea horaantii xagaagan, ayaa bilaaban doona xilli ciyaareed cusub oo kubadda cagta Spain ah oo safar ugu jira England si ay ugu soo baxdo UEFA Nations League 8da September.

Spain ayaa ku guuldareysatay Koobka Adduunka ee xagaagna ka dhacaya Ruushka, iyadoo lagu reebay tartanka wareegga koowaad ee wareega group-yada.