Manchester City Imisa Saxiix Ayey Sameyn Doontaa Xagaaga

Ciyaaraha

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday inuu soo iibsan doono hal ama labo ciyaaryahan xagaagan suuqa kala iibsiga.

Guardiola ayaa ku dhowaaday inuu ku dhowaad 450 milyan ginni uu qarash gareeyo tan iyo markii uu yimid shaqada tababaraha City bishii July 2016, tababaraha  reer Spain ayaana  kooxdiisa haatan 16 dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka horyaalka Barclays Premier League.

Tababaraha kooxda Citizens ayaa sheegay in kooxdiisa ay mar kale noqon doonto mid firfircoon suuqa kala iibsiga, laakiin xagaaga ayaa “ka jaban” marka la barbardhigo.

“Dabcan waxaan iibsanay ciyaartoy badan, waxayna naga caawiyeen wax badan oo xagaaga soo socda waa inaan iibsano hal ama labo ciyaaryahan kale, sidaasi darteed suuqa xagagaaga waa ay ka jaban tahay” ayuu Guardiola u sheegay suxufiyiinta.

City ayaa soo dhaweyn doonta kooxda heysata horyaalka England ee Chelsea garoonkooda Etihad Stadium habeenka Axada.