Maareeyaha Hay’adda Duulista oo shaqada laga joojiyay

Wararka Maanta

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawadda Soomaaliya waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle Yuusuf (Jaalle).

Maxamed C/laahi Oomaar  Wasiirka Duulista Iyo gaadiidka Hawada ayaa shaqo joojinta ku sameeyay Maareeyaha. Wasiirka duulista Hawadda Warqad ka soo baxday Xafiiskiisa , waxaan si KMG ah shaqada loogu soo dhiibay Ku xigeenkiisa Maadaama Yuusuf Shaqadda laga joojiyay.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda duulista Hawadda ayaa sheegay in muddooyinkii dambe uu jiray Khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka iyo Maareeyaha.

Sidoo kale Waxaa Shalay xilka laga qaaday wasiirka Awqaaf iyo Arimaha Diinta Soomaaliya, waxaana loo badinayaa in arimaha xilka ka qaadista ay la xariiraan loolan loogu jiro diyaaradaha qaadaya dadka aadaya Xajka, horey waxaa khadka duulimaadka Xajka u heystay laba shirkadood Jubba Airways iyo Daallo Airlines, waxaana hadda loolanka ku soo biirtay shirkadda diyaaradaha Ocean Airlines.