Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa kusoo qulqulaya Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, Shalay waa halkaas gaaray Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, sidoo kale maanta waxaa tagay Dhuusamareeb Gudoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare Sanator Abshir Bukhaari.
Guddoonka Barlamaanka Galmudug ayaa maanta magacaabay 12 Xildhibaan oo ah guddiga maamulaya doorashada Aqalka Sare, Waxaana Kulankii ugu Horeeyey oo ay yeeshaan Xubnaha Gudigu ku doorteen shir Gudoon.
Gudiga ayaa Gudoomiye u doortay Xildhibaan CabdiWahaab Maxamed Axmed, halka gudoomiye ku xigeen loo doortay Xildhibaan Cabdirixiin Axmed Cigaal, sidoo kale xoghaya Gudiga ayaa noqday Xildhibaan Yaasiin Maxamed Cabdiraxman.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda soo saaro liiska musharaxiinta ku tartamaya qeyb ka mid ah kuraasta Aqalka Sare Galmudug, sidoo kale fadhiyada Barlamaanka Galmudug ayaa la qorsheynayaa in ay furmaan maalinta Khamiista.
Waxaana warar aan helnay sheegayaan in maalinta Sabtida la dooran doono kuraasta ugu horeysa Aqalka Sare ee Galmudug, iyada oo kuraasta qaar loo xiro doono musharixiin gaar ah.
Waxaana ilo lagu kalsoon yahay inoo xaqiijiyeen in Musharixiinta kuraasta loo xiri doono ay ka mid yihiin Cabdi Qeybdiid iyo Dhagdheer, Sidoo Kale Sanatar Dhageey ayaa kursigiisa u wada nin ay isku beel yihiin, halka uu isagu u tartami doono aqalka hoose.
Doorashada Aqalka Sare ayaa u muuqata mid uu ka jiro loolan adag, waxaana la xasuustaa in Afar sano ka hor Madaxweyne Axmed Qoorqoor loo soo qoray inuu ku tartamo Kursi Aqalka Sare ah oo uu Musharax u ahaa, iyada oo waliba looga adkaaday doorashadii kursigii u horeeyay ee Senatar ah.
Afar sano kaddib maanta isaga ayaa laga sugayaa inuu soo qoro Liiska Musharaxiinta ku tartamaya Aqalka Sare, ragga laga sugayo inuu soo qoro waxaa ka mid ah isla qofkii kaga guuleystay doorashadii kursiga Senetarnimo waa Abshir Bukhaari e.