Maxaa Caawa ka cusub deegaanada Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Jawiga guud ee deegaanada Galmudug ayaa dagan, waxaana laga war-dhowrayaa magaacabista Golaha Wasiirada Cusub Galmudug oo  la filayey in Madaxweyne Xaaf goor hore ku dhawaaqo, inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee dib u dhaca, waxaana la qiyaasayaa in Bacdal ciid la magacaabo wasiirada Cusub Galmudug, sida ay inoo xaqiiyeen ilo xog-ogaal ah.

Dhanka Magaalada Cadaado oo fariisin u ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal iyo xildhibaanada Galmudug. Waxaana jirin dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka socda, waxaana muuqata in garabka Cadaado ka  war dhowrayaan talaabada ay qaadaan garabka Dusmareeb.

Sidoo kale galabta ayaa gaari tikniko ah oo uu leeyahay Wasiirka Maaliyadda Galmudug wuxuu gudaha u galay xarunt Madaxtooyada Cadaado, halkaas oo uu ka dhashay kala shaki ciidamada ah, inkastoo markii dambe la xaliyey. Waxaana si guud dagan jawiga magaalada.

Dhanka kale Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug ayaa waxaa aad loo hadal hayaa magacaabista Golaha Wasiirada Cusub, waxaana ku qulqulaya siyaasiyiin doonaya in ay ka soo muuqdaan liiska Golaha Wasiirada Cusub, Masuul ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa inoo sheegay in wali socoto arji qabashada Masuuliyiinta u xusul duubaya in ay ka mid noqodaan wasiirada cusub.

Sidoo kale Waxaa Caawo fiidkii ciidamo ka tirsan Milatariga Ahlu Sunno ay Madaxtooyada Galmudug Dusmareeb ka sameeyeen gadood ku saabsan mushaar, arintaas oo lagu guuleystay in la xaliyo sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug. Waxaana sidoo kale la xariirnay goobjoogayaal ku sugan Bartamaha caasimadda Dusmareeb, waxa ayna inoo xaqiijiyeen in ay jawiga magaaladu dagan yahay.

Warbaahinada qaar ayaa tabinayey in colaad ka jirto Magaalooyinka Cadaado iyo Dusmareeb arintaas oo u muuqata mid ujeedooyin laga lahaa. Waxaana idiin xaqiijinaynaa in aysan jirin dhibaatooyin ka taagan magaalooyinkaas.

Wixii kusoo kordha wararka Galmudug kala soco

www.ceelhuur.com

isha wararka xaqiiqda ah.