Eric Bailly Oo La Filaayo Inuu Garoomada Ka Maqnaado Laba bilood

Ciyaaraha

39b55ac500000578-3871578-eric_bailly_took_to_instagram_on_tuesday_thanking_everyone_for_s-a-2_1477413572208

Daafaca kooxda Manchester United Eric Bailly ayaa sheegay in uu  garoomada ka maqnaan  doono muddo labo bilood ah ka dib dhaawac jilibka ah.

Tababare Jose Mourinho ayaa ku tilmaamay daafaca kooxda dhaawaciisa mid aad u xun ka dib kulanka axada ee ay guuldaradii 4-0 kaga soo gaartay Chelsea  Stamford Bridge.

22-sano jirkaan, ayaa soo jiitay ee United tan iyo markii £ 30m kaga soo biiray Villarreal  xagaagan.

 

United ayaa haatan ku jirta booska toddobaad ee kala sareynta horyaalka Premier League, lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda saddexda kooxood ee ugu sareysa kala horeynta.

Mourinho ayaa badiyay afar ka mid ah sagaalkii kulan  ilaa iyo haatan.

Comments are closed.