Laba todobaad gudaheed Farmaajo oo markale eritrea u dhoofay

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo uu kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Asmara, waxaana qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray ku shaaciyay in wada hadalo ku yeelan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa ah kii labaad, waxaana 17 cisho laga joogaa safar uu horaantii bishan Janaayo ee sanadka 2020 ku tagay Eritrea, waana safarkii 5aad muddo sanad iyo todobo bilood oo uu Eritrea ku tago, tan iyo safarkii u horeeyay uu ku tagay dalkaas bishii July ee sanadkii 2018-dii.

Dad badan ayaa shaki gelinaya xiriirka aan la fahamsaneyn ee xilligan u dhaxeeya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo saaxibo dhow ah, waxaana Soomaaliya iyo Eritrea labo sano ka hor u bilowday xiriir diblomaasiyadeed taariikhda markii u horeysay.